DFS oo Tacsi u dirtay Xukuumadda iyo Shacabka dowlada Masar (Warsaxaafadeed)
May 20, 2016 - Written by EditorXukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay tacsi u direysaa Xukuumadda iyo Shacabka Masar iyo dhammaan ehellada dhibanayaasha iyo qoysaska tiiraanyeysan ee kala dhalashada duwan ee ku waayay dadkii ay jeclaayeen burburkii diyaaradda Masar duulimaadka number-kiisu ahaa 804 ( EgyptAir flight MS804) , taasoo burburtay waaga hore shalay oo Khamiis aheyd.
Xukuumadda Federaalka Soomaaliya waxa ay muujineysaa sida ay uga murageysan tahay dhacdada ay ku burburtay diyaaradda rakaabka ah ee Masar ,taasoo la waayay xilli ay dul-heehaabeysay Badda dhexe ee cad (The Mediterranean Sea) socdaalkeeda Magaalada Paris ee ku jiheysnaa Magaalada Cairo , waxaana saarnaa rakaab dhan 66 ruux .
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxa ay ku baaqeysaa laga maar-maanshaha in la dardar geliyo dadaalada caalamiga si loo qaado dhammaan tallaabooyinka laga maar-maanka ah ee baaritaanka iyo dabagalka si loo cadeeyo sababaha keenay burburka diyaaradda.
———– Dhamaaad——-