Madaxweynaha DFS oo warqadaha aqoonsiga ka guddoomay danjireyaasha Koonfuur Korea iyo Switzerland

May 17, 2016 - Written by Editor

7Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa maanta xarunta madaxtooyada warqadaha aqoonsiga kaga guddoomay danjireyaasha dalalka Jamhuuriyadda Korea (Koonfuur Korea) iyo Xiriirka Federaalka Switzerland.

Waxaa uu ugu horeyn Madaxweynaha uu warqadaha ka gudddoomaya Danjirha Jamhuuriyadda Korea , Mr Young Dae Kwon.

Madaxweynaha iyo danjiraha ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, dhinacyada iskaashiga sida dhaqaalaha, horumarinta miyiga, mihnadaha iyo tababarada dhalinyarada iyo ciidammada.

Waxaa sidoo kale uu Madaxweynaha warqadaha aqoonsiga ka guddoomay Danjiraha cusub ee Switzerland uga wakiilka ah Soomaaliya, Ralf Heckner.
Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo safiirka ayaa ka wadahadley xaaladda Soomaaliya, sida dhinacyada amniga, siyaasadda iyo doorashooyinka dalka ka dhici doona bisha August ee 2016-ka.

Isla munaasabaddaasi waxaa si rasmi ah loogu sagootiyey Danjirihii hore ee Switzerland, Mr Dominik Langenbacher oo muddadii uu Soomaaliya ka shaqeynayey ay dhammaatey.

————Dhamaaad————–

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online