Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh Maxamuud oo dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho

May 9, 2016 - Written by Editor

IB0A2289Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta dib ugu soo laabtey Muqdisho, kadib markii uu magaalada Djibouti kaga soo qeybgaley xafladdii caleema saarka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Djibouti, Mudane Ismaaciil Cumar Geelle oo dhowaan markii afraad dib loogu doortey talada waddanka.  Waxaa uu Madaxweynaha sheegay in Djibouti ay door weyn ka qaadey dib u soo kabashada Soomaaliya, guusha uu Madaxweyne Geelle doorashada ku hanteyna ay sii xoojin doono xiriirka labada dal ee walaalaha ah.

Madaxweynaha oo ay socdaalkiisa ku wehliyeen xubno ka tirsan Golaha Wasiirrada, Baarlamaanka Federaalka iyo saraakiil kale ayaa waxaa Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho ku soo dhoweeyay Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke iyo xubno kale oo dowladda ka tirsan.

————–DHAMMAAD——–—
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online