Madaxweynaha dowladda Puntland Dr.Gaas oo waraysi gaar ah siiyey golaha 88[Dhagayso]
May 28, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Madaxweynaha Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo wareysi khaas ah siiyay Golaha88 ayaa ka hadlay arrimo badan oo ku saabsan go’aankii madaxweyne Xasan Sheekh ee goorta ay dhacayso doorashada iyo doodda ku saabsan xubnaha loo raadinayo Xamar. Madaxweyne Gaas ayaa sheegay in madax weyne Xasan Sheekh uu ku saxsan yahay go’aankii ka dhanka ahaa baarlamaanka ee uu qaatay isla markaana ay soo dhoweynayaan. Waxaa kaloo madaxweyne Gaas uu sheegay in aanay waqtigan caqli gal ahayn in xubno loo raadiyo Xamar.
Wuxuu sheegay in Puntland ay ahayd tan doonaysay in Xamar ay xubno hesho, hase yeeshee qaabkii ay ku heli lahayd ay diideen kuwa hadda qeylinaya ee markii hore ku adkeystay in 4.5 la qaato.
Hoos ka Daawo Madaxweynaha Puntland oo golaha 88 uga warramay arrimaha Doorashada
Source:golaha 88