Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe (Masawiro)
May 23, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo 5 cisho ah safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.
Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka magaaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo boqollaal dadweyne ah.
Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe, halkaas oo uu kula hadlay qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey safarkii uu ugu maqnaa magaalada muqdisho iyo waxyaabihii uga soo hirgalay.
Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkiisii uu guul kusoo dhammaaday maadaama Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaadheen dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhabbaha loogu xaarayey hannaanka doorashooyinka 2016-ka.
Dhinaca kala Madaxweynuhu waxa uu sheegay in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana ay halkaan isugu imaan doonaan Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda dalwadaha xubnaha ka ah.
Madaxweynaha dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan magaalada Garoowe lagu qaban doono shirweynihii dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo hore dhowr jeer wax ka beddel aan loo dhammayn lagu sameeyey.
no images were found
Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Puntland in ay u diyaar garoobaan siday u wajihi lahaayeen xilliga kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya ku jiro iyo siday uga qayb qaadan lahaayeen soo xulista Baarlamaanka cusub ee uu yeelan doono dalka Soomaaliya.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND