Madaxweynaha Puntland oo si diiran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe (Masawiro)

May 23, 2016 - Written by Editor

IMG_9026Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo muddo 5 cisho ah safar shaqo ugu maqnaa magaalada Muqdisho ayaa maanta soo gaarey magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland halkaas oo si weyn loogu soo dhoweeyey.

Madaxweynaha ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Kanooko ee duleedka magaaalada Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, guddoomiyaha Baarlamaanka dawladda Puntland  Axmed Cali Xaashi, Wasiirro, Xildhibaano, maamulka gobolka Nugaal, kan degmada Garoowe iyo boqollaal dadweyne ah.

Soo dhoweyn kadib Madaxweynaha waxaa loosoo gudbiyey qasriga Madaxtooyada dawladda Puntland ee Garoowe,  halkaas oo uu kula hadlay  qaybaha kala duwan ee warbaahinta isla markaana uga warbixiyey safarkii uu ugu maqnaa magaalada muqdisho iyo waxyaabihii uga soo hirgalay.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa sheegay in safarkiisii uu guul kusoo dhammaaday maadaama Madaxweynaha dawladda Federaalka Soomaaliya uu xeer Madaxweyne ku meel mariyey heshiiskii ay wada gaadheen dawladda Puntland iyo dawladda Federaalka Soomaaliya ee dhabbaha loogu xaarayey hannaanka doorashooyinka 2016-ka.

Dhinaca kala Madaxweynuhu  waxa uu sheegay  in maalmaha soo socda magaalada Garoowe lagu qaban doono shirka madasha wadatashiga Qaran isla markaana ay halkaan isugu imaan doonaan Madaxda dawladda Federaalka iyo Madaxda dalwadaha xubnaha ka ah.

Madaxweynaha  dawladda Puntland ayaa sidoo kale sheegay in dhowaan magaalada Garoowe lagu qaban doono shirweynihii dib u eegista dastuurka qabyo qoraalka ah  ee dawladda Federaalka Soomaaliya oo hore dhowr jeer wax ka beddel aan loo dhammayn lagu sameeyey.

Ugu dambayn, Madaxweynaha dawladda Puntland Dr.Cabdiweli Maxamed Cali ayaa ugu baaqay guud ahaan shacabka reer Puntland in ay u diyaar garoobaan siday u wajihi lahaayeen xilliga kala guurka ah ee uu dalka Soomaaliya ku jiro iyo siday uga qayb qaadan lahaayeen soo xulista Baarlamaanka cusub ee uu yeelan doono dalka Soomaaliya.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online