Mu’asasada Al-Minhaaj Bari oo tababar u qabatay Macalimiinta Dugsiyada Qur’aanka ee Boosaaso

May 15, 2016 - Written by Editor

IMG_20160505_063731Boosaaso:-Tababarkan oo Socday Mudada labo bari ah Ayaa Waxaa Loogu Tala Galay In ay ka faaidaystaan Macalimiinta Haysta dugsiyada Quraanka ee magaalada Bosaso . Ujeedooyinka tababarkan loo qabtay ayaa waxaa kamid ahaa:
1- in kor loo qaado xirfada macalimiinta dugsiyada qur’aanka.
2- in loo iftiimiyo macalimiinta hababka iyo qaababka ugu wanaagsan ee barista qur’aanka kariimka ah.
3- in laga qayb qaato hormatinta dugsiyada qur’aank kariimka ah.
4- in la adkeeyo xiriirka ka dhexeeya macalimiinta qur’aanka ee boosaaso.
Tababarkaan oo ahaa kii ugu horeeyey oo loo qabto macalimiinta qur’aanka ayaa waxaa Ka Faa’iidaystay 20 macalin oo kamid ah kuwa ugu caansan macalimiinta dugsiyada ee magaalada.

Tababarkan ayaa waxaa Bixinayey culimo waa weyn oo ay kamid ahaa yeen :Dr.c/rashiid sheikh saalax sheikh. Axmed Maxamed faarax “Dheeli” sheikh . Axmed Faarax ‘Garaase’ Dr. Maxamuud Cusmaan “Diyeeshe”.

Inta uu socday Tababarkan ayaa Waxaa macalimiinta dhex maray aqoon iswaydaarsi kaasoo Diirada Lagu Saarayey Sidii Loo Ogaan Lahaa Dhibaatooyinka Haysta Madaarista Quraanka iyo Sidii Loo Hormarin lahaa dugsiyada Quraanka .

Waxaa Lagu Qaatay Dowradan Duruus Kala Duwan oo Dhammaantood Khuseeya Hormarinta Xirfada Macalimiinta Quraanka Iyo Dowra Tababiyada Macalinka Quraanka uu Ku Leeyahay tarbiyada iyo bar baarinta ardayga .

Ugu Damayn Tababarkan oo Koobnaa Ayaa Lasoo Gabagabeeyey lana Soo Xiray Waaxa Ka Soo Qayb Galay Xiritaankiisii Marti Sharaf Badan oo La Casumay Waxa Ayna isugu Jireen Culimo Madaxda Maamulka Mu’asasda iyo Macalimiintii Tababarka Loo Qabtay Waxa ayna Kusoo Gabagabowday Xafladii Xiritaanka dowrada Jawi Wanaagsan oo Degan.

Mu’asasada alminhaaj Bari
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online