Tababar wacyi gelineed oo loo qabtay Odayaasha iyo Cuqaasha Gobolka Sool.[Masawiro/Video]

May 13, 2016 - Written by Editor

13217409_931167033647158_2529854560299502198_oLaascaanood:-Mu’assada Alkaram ee Dacwada iyo Horumarinta Gobolka Sool ayaa u soo gabgabaysay Odoyaasha , waxgaradka iyo Cuqaasha Gobolka Sool tababar wacyi geli need oo qayb ka ahaa Tababro is daba Joog ah oo ay waayadan ka waday Mu’asasadu gobolka Sool. Tababarkan oo socday laba maalmood ayaa waxaa ujeedkiisu ahaa in lagu dhiir geliyo waxgaradka iyo Cuaqaasha g sool , hawlaha adag ee ay u hayaan bulshada , iyo waliba in la saxo Khaladaadka dhaca xilliyada Magaha ay la kala wareegayaan Qabiilooyinka in lagu dhiiri geliyo ku dhaqanka Shareecada Islaamka .

Sheekh Siciid Muuse X Nuur oo ah gudoomiyaha Mu’assada Al-Karam ee Dacwada iyo Horumarinta Gobolka Sool iyo madaxa Xafiiska Arrimaha bulshada  Al-karam C/Qani Aw Daahir ayaa sheegay inay in tababrkani la qaban doono sanadkiiba la ajeer .

Intii uu Tababarkani uu socday Waxaa ay  ka jeediyeen Culimada waawayn ee gobolka  Muxadarooyin iyo waanooyin qiimo badan :-

1. Sh Dr Axmed Jaamac Ismaaciil Mire

2. Sh Axmed Muxaed Sulaymaan .

3. Sh Adam Wali Cabdi Xuseen.

4. Sh Maxamuud Maxamed Xalliike .

Dhamaan Culimadan ayaa muxaadarooyinkii ay u jeediyeen Odayaasha waxaa ay  saabsanaayeen:-

1. Wajibnimada in loo Xukun tago Kitaabka Alle iyo sunnada Nabigeena .

2. Ajarka iyo wanaaga laba daarood ee laga helayo Heshiisinta Dadka muslimiinta .

3. Masuuliyada Wajibnimo ee saaran Odoyaasha iyo waxgaradka ummada Hogaamiya .

4. Aafada iyo dhibaatada Qabyaalada iyo Midnimada Ummada Soomaaliyeed .

Dhanka kale , Odoyaaasha , Waxgaradka iyo Cuqaashii ka soo qaybqayb gashay ayaa u khushuucay Dawradani , iyagoo ka dooday Su’aalo ay ka mid yihiin. (Sidee baaa loo bad baadin karaa Ummada Soomaaliyeed), (Sideebaa looga tir tiri karaa ummada Soomaaliyeed cudurka Qabyaalada ee ku gaamuray ummada dhexdeeda ). Waxaana ay ay sheegeen dhamaan tood dood dheer ka dib in xalka koowaad uu yahay dhibaatooyinka Qabyaalada, bur burka daldka uu yahay Kitaabka Alle oo loo noqdo .

Ugu danbaynti , Sh Siciid Muuse Xaaji Nuur gudoomiyaha Mu’assada AlKaram ayaa sheegay inay Dawradani ku soo dhamaatay guul mudadii ay socotay tababarkani . Guntii iyo gunaanadkii Mu”assada Alkararam ee Dacwada iyo Horumarinta Bulshada ayaa waxaa ayaa waxaa ay ka wadaa dar dar dhanka horumarinta bulshada .

Hoos ka Daawo Tababar wacyi gelineed oo loo qabtay Odoyaasha iyo Cuqaasha Gobolka Sool.

Mowliid Ismail Diged
Lascanod,Halgan.net

 

 

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online