Taliyaha qeybta booliiska gobolka Banaadir Gen Cali Xersi Carre (Cali Gaab) oo is casilay

May 24, 2016 - Written by Editor

Gen_GaabMuqdisho:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Jeneraal Cali Xersi Carre (Cali Gaab) uu maanta magaalada Muqdisho uga dhawaaqay inuu iska casilay xilkii taliyaha ee boliiska ee gobolka Banaadir.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Jen Cali Gaab ayaa saxaafada kula hadlay magaalada Muqdisho waxaana uu sheegay in uu xilka ka tagay iyadoo aysan jirin cid ku qasabtay uuna doorbiday in uu xilka baneeyo.

Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir Jen Cali Gaab ayaa sheegay in la shaqeyn doono cid walba oo xilka loo dhiibo kuna gacan siin doono sugida amaanka magaalada Muqdisho.

Jeneraal Cali Xersi Barre ayaa hore u soo noqday taliyaha ciidanka Taraafikida wadooyinka waxaana sanadkii hore loo magacaabay Taliyaha qeybta guud ee Booliska gobolka Banaadir .

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online