Wasiirka Amniga iyo Saraakiil ku dhaawacantay Shaqaaqo ka dhacday Boosaaso

May 5, 2016 - Written by Editor

Breaking-NewsWasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa ku dhaawacmay is rasaaseyn maanta ciidamo ka tirsan Puntland ku dhex maray magaalada Boosaaso ka dib markii muran uu dhexmaray ilaalo ay kala wateen Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen, C/risaaq Afgaduud.

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee xarunta gobalka Bari ayaa shegaya in ilaa laba sarkaal iyo 4 askari oo labada dhinac ah ay dhaawacmeen.

Wasiirka Amniga Puntland Cabdi Xirsi Qarjab ayaa dhawaciisa la geeyey isbitaalka magaalada Boosaaso waxaa kale oo Isbitaalka la geeyey laba sarkaal iyo 4 askari oo uu soo gaaray dhaawac fudud.Israsaaseynta ayaa waxay ka bilaabatay xarunta ciidanka Birmadka, halkaasoo uu ka socday kulan amniga looga hadlayey.

Wararka ugu danbeeyey ee naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ayaa sheegaya in khilaafka uu ka bilaawday ka dib markii la bilaabay tirikoobka ciidanka Birmadka ee magaalada Boosaaso kuwaas oo arinkaas ka gadooday.

Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa u tagay magaalada Boosaaso in uu kormeero howlgalada wadaan ciidanka Birmidka iyo xalinta khilaaf la sheegay in uu ka dhexeeyo Taliyaha ciidanka Birmadka Col. Cismaan Xasan Cuuke (Afdalow iyo Taliyaha Ciidanka Booliska Puntland Jen, C/risaaq Afgaduud.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
May 2016
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online