Agaasimaha Warfaafinta, wacyigeligelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka oo gaaray Badhan (Masawiro)

July 13, 2016 - Written by Editor

4Agaasimaha Warfaafinta, wacyigeligelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada dawladda Puntland Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil ayaa maanta safar shaqo oo la xidhiidha u kuurgalka xaaladaha deegaanka gaar ahaan xaaladda nabad-gelyada guud ee gobolka ku tegey magaalada Badhan ee Xarunta Gobolka Sanaag.

Agaasimaha waxaa duleedka degmbada Badhan kusoo dhoweeyey maamulka gobolka Sanaag, kan Degmada Badhan, saraakiisha ciidanka Booliiska iyo Daraawiishta gobolks Sanaag iyo boqollaal dadweyne ah oo isugu jira qaybaha kala duwan ee bulshada gobolka.

Socdaalka agaasimaha ayaa sidoo kale daarran sidii looga hortegi lahaa khal-khalka siyaasadeed ee maamulka Soomaaliland uu ka wado gobolka Sanaag ee ay doonayaan in ay ka hirgeliyaan waxa ay ugu yeereen doorashooyina maamulkaasi.

Agaasimaha oo ku hadlaya afka dawladda Puntland ayaa  uga digey Maamulka Somaliland in ay ka khal-khalkaasi siyaasadeed ee ay ka wadaan gobolka, haddii ay dhegaha ka furaystaan  ayuu tilmaamay In ay dusha u ridan doonaan cawaaqib xumada ay kala kulmaan ficilladaasi daan-daansiga ah.

Sidoo kale Beesha Caalamka, ururka Jaamicadda Carabta iyo  urur goboleed IGAD ayuu Agaasimugu ugu baaqay in ay isha ku hayaan khal-khalka nabad-gelya darro ee uu maamulka Somaliland ka wado gobolka Sanaag oo ah  dhul looga bartay xasillooni iyo nabad-gelyo gaamurtey.

Abwaan Cabdirashiid Yuusuf Jibriil Agaasmiha waxa uu kulamo la qaadan doonaa muddada uu ku sugan yahay magaalada Badhan ee Xarunta gobolka Sanaag qaybaha kala duwan ee Bulshada gobolka, maamulka gobolka, kan Degmada iyo laamaha ammaanka gobolka.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online