Golaha Wasiirada DFS oo taageeray Go’aankii Culuma’udiinka ay kaga soo horjeesteen qaraxii Masjidka Nabiga

July 10, 2016 - Written by Editor

IMG_6590-696x464Muqdisho:-Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta isugu yimid kulan gaar ah, waxaana kulanka shir gudoominayay Ra’iisal Wasaare ku Xigeenka XFS Mudane Maxamed Cumar Carteh, waxana ay Goluhu si adag ugu canbaareeyeen ficilkii argagixisada ahaa ee kooxaha diinlaawayaasha ahi ay ku qaadeen Masjidka Nabawiga ee Magaalada barkaysan ee Madiina.

Goluhu Xukuumaddu waxay tacsi u direen guud ahaan Caalamka Islaamka, gaar ahaan dawladda Boqortooyada Sucuudiga, iyagoo uga tacsiyeeyay ficilkii bahalnimada ahaa ee lagu qaaday goobaha barakaysan ee Islaamka.

Xukuumada Federaalka Soomaliya waxay taageereen baaqii shalay ay soo saareen Culimaa’udiinka Soomaaliyeed oo ay kaga soo hor jeesteen falkaa waxashinimada ahaa ee lagu beegsadey Masjidka barakaysan ee Nabawiga .

—DHAMAAD—
Prime Minister’s Media Office
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online