In ka badan 70 Ruux oo ku Dhimatay magaalada Nice ee dalka Faransiiska

July 15, 2016 - Written by Editor

D20341BA-706F-409C-A179-28A06EDC9E3D_w987_r1_sQof waday gaari nooca xamuulka qaada, ayaa dar darsiiyay dad isugu soo baxay meel munaasabad ka socotey magaalada Nice ee dalka Faransiiska gelinkii dambe eee Khamiista, waxana la sheegay inay halkaa ku dhinteen in ka badan 70 ruux ayna ku dhaawacmeen tiro ka badan 100 kale.Dadka ayaa u dabaal degayay maalinta Bastille Day, oo ah feesto guud oo dalka Faransiiska laga sameeyo July 14-keeda.Wasaaradda arrimaha gudaha ee Faransiiska, ayaa sheegtay in wadihii gaariga ay booliisku toogteen oo ay dileen.

Wariyaha VOA-da Linda Ringe, oo goobta ku sugneyd, ayaa sheegtay inay aragtay meydadka dad fara badan oo waddooyinka daadsan. Mas’uuliyiinta, ayaanan ku deg degin in ay tallaabadaasi ku tilmaamaan fal argagixisnimo, balse dad goob joogayaal ah ayaa sheegay in daraawalku uu si ula kac ah dadka u jiirsiinayay gaariga.

VOA Somalia
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online