Jaamacada Najaax oo Iclaamisay diiwan galinta ardayda jecel inay wax ka bartaan Jaamacada.[Daawo]
July 26, 2016 - Written by EditorBurco:-Jamacadda islamiga Najaax Burco ayaa maanta si rasmi ah u iclamisay inay bilaabmatay diiwan galinta ardayda jecel inay wax ka bartaan Jaamacada Islaamiga ee Najaax .
Masuuliinta Jaamacada Islaamiga ee Najaax oo uu ugu horeeyo Gudoomiyaha Jaamacada Najaax Sh Dr Feysal Maxamed Cali ayaa waxay Shirjaraa,id waxay ku qabteen magaaalada Burco ee xarunta gobalka Togdheer iyaga oo ka warbixiyey horumarka ay ku talaabsatay jaamacada Najaax ,xiriirka dibada Jaamacada iyo Deeqo waxbarasho oo ay u soo heshay ardayda Soomaaliyeed kuwaas oo ah darajooyin kala duwan sida PHD iyo Majisteer.
no images were found
Shirka Jaraa,id ay qabteen Masuuliinta Jaamacada Islaamiga ee Najaax ayaa waxaa sidoo kale lagu soo bandhigay waqf ay jaamacada ugu deeqeen dad muxsiniin ah oo reer Somaliland ah .
Jaamacada Najaax ayaa waxay ku talaabsaneysay horumar la taaban karo ilaa intii dhidibada loo aasay waxaan laga xusi karaa xiriirka arimaha dibada ay la soo gashay jaamacadaha caalamiga ah ee dalalka Sudan ,Malesia iyo dalka Imaaraadka .
Jaamacada Najaax ayaa waxaa sidoo kale ay wadaa Dhismo u gaara oo aad u baaxad weyn kaas oo ka koobnaan doona dhamaan qeybaha kala duwan ee Jaamacad casri ah yeelato.
Hoos ka Daawo Shirka Jaraa,id ee Masuuliinta Jaamacada ku iclaamiyeen inuu bilaawday diiwaan galinta ardayda Cusub ee Jaamacada Islaamiga ee Najaax.
Halkan ka eeg Horumarka Jaamacada Islaamiga ee Najaax ku talaabsatay Halkan ka Eeg Mareegta Jaamacada Najaax
Hoos ka Daawo Jaamacada Najaax oo heshiis la gashay Jamaacada Al-Madiina Al-Caalamiya ee dalka Maleesiya
Jamacada Najaax ayaa sidoo kale waxay heshiis Caalamiya la gashay jaamacado ku yaal wadamada Sudan iyo Imaaraadka Carabta ka Eeg Halkan
Gudoomiyaha Jaamacda Islaamiga Ah Ee Najaax Oo Ka Hadlay Deeq Waxbarasho Oo Ay Heleen
Gudoomiye Ku Xigeenka Jaamacada Najaax Oo U Mahadnaqay Dad Dhul Ugu Deeqay Jaamacada
Madaxa Diiwaangalinta Jaamacada Islaamiga Ah Ee Najaax Oo Shaaciyey In Jaamacadu Qaadanayso Arday Cusub Sanadkan.
Halgan.net
Burco