Madaxweynaha DFS oo hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif

July 25, 2016 - Written by Editor

ugaasMuqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo iyo bogaadin u diray Ugaas Xassan Ugaas Khaliif Ugaas Rooble oo maanta si rasmi ah loogu caleema saaray magaalada Beled Wayne ee gobolka Hiiraan.

“Caleema saarka Ugaas Xassan waa mid muhiim u ah arrimaha dhaqanka iyo dib u heshiisiinta, iyo weliba dadaalka guud ee dib loogu dhisayo Soomaaliya. Waxan aaminsanahay in khibradda iyo waaya aragnimada Ugaaska ay sahli doonto gudashada waajibaadkiisa, anigoo ku kalsoon inuu yahay ruux waxqabadkiisa laga faa’iideysan doono “, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sheegay in Dowladda Federaalka ee Soomaaliya ay soo dhoweyneyso caleema saarka Ugaaska beesha Xawaadle, isla markaana ay si buuxda ula shaqeyn doonto.

———————-DHAMMAAD————-

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online