Madaxweynaha DFS Xassan Sheekh oo masjidka Isbaheysiga kula tukaday shacabka salaadda ciida.[Masawiro]

July 6, 2016 - Written by Editor

IMG_5699Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa hambalyo ku aaddan munaasabba Ciidul Fidriga u diray dhammaan shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta caalamka. Madaxweynaha ayaa ugu horeyn shacabka Soomaaliyeed iyo Muslimiinta kale ee dunida ugu hambalyeeyay  gudashada waajibaadka bishii barakeysneyd ee Ramadaan.

‘’Ciiddul Fidriga waxay kulmisaa dhowr umuurood oo kheyr ah, sida in farxadda la wadaago, in la xusuusto waxna loo qabto dadka tabaaleysan,sida agoonta,loo duceeyo kuwa colaadaha iyo cudurada ay saameeyeen, Ilaahayna laga baryo inuu naga aqbalo soonkeenii iyo cibaaddada kale ee aan la nimid bishii Ramadaan. Ciiddda waa munaasabad Ilaahay naxariistiisa iyo jaceylkiisa lagu kasbado, loona baahan yahay in lala yimaado wanaag iyo isku samafal. Aan murugada ka tirno wejiyada kuweena tabaaleysan, aan caawino kuweena daciifka ah, taasina waxay tusaale u noqoneysaa is jaceylka iyo midnimada shacabka Muslimiinta ah’’, ayuu yiri Madaxweynaha.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale ka tacsiyeeyay dadkii ku shahiiday weeraradii waxashnimada ee argagixisada ka geysteen waddamada Islaamka intii lagu guda jirey bisha Ramadaan.

‘’Waxaan  tacsi u dirayaa Muslimiinta caalamka, shacabka Soomaaliyeed iyo qoysaska iyo eheladii ay ka shahiideen dad badan oo Muslimiin ah , oo weliba iyagoo sooman ay si waxashnimo ah u dileen kooxaha sida khaldan diinta u adeegsanaya ee Al Shabaab, Daacish iyo kuwa la mid ka ah. Waxaa wax laga argagaxo ah in argagixisada ay xitaa ka xishoon weysay magaalada barakeysan ee Madiina, taas oo sawir cad ka bixineysa ujeeddooyinka guracan ee kooxahan wax ma-garatada ah leeyihiin. Cadowgeena koowaad waa Al Shabaab, waxaa ku xiga kuwa dowlad-diidka ah ee dacaayadaha fidiya iyo wax alaalee wixii nabadda iyo horumarka ka soo horjeeda. Waan la dagaalameynaa cadowga waana ka adkaaneynaa’’.

Madaxweynaha ayaa ugu baaqey shacabka Soomaaliyeed inay is cafiyaan kana shaqeeyaan horumarka dalka, isagoo si gaar ah u xusay doorashooyinka dhowaan dalka ku soo fool leh oo noqonayaa kuwii ugu horeeyay ee la qabto muddo haatan laga joogo 47 sanno.

“Waddankeena waxaa uu gelayaa marxalad cusub oo doorashooyin la isku diyaarinayo. Waxaa doorasho xor ah oo dalkeena ka dhacda ay ugu dambeysey ku dhowaad nus qarni  ka hor, waana waqti aad u dheer run ahaantii. Waxaa markaa na laga rabaa inaan u wada istaagno sidii hawshaasi taariikhiga ah aan u wada qaban lahayn, isla markaana aan caalamka tusnaa inaan tallaabo wanaagsan horray u qaadnay. Doorashadu sideedaba waa tartan, waxaa loo tartamayana waa in wax loo qabtaa dalkeena.Doorashadan yaanay noqon mid na kala qeybisa ee ha  noqoto mid Soomaali isku keenta, qeybna ka qaadata dadaalka aan ugu wadajirno inaan dib Soomaaliya u mideyno, horumarna aan gaarsiino’’, ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Madaxweynaha ayaa ugu dambeyn xusay in qof walba oo Soomaaliyeed uu waajib ka saaran yahay inuu ka qeyb qaato dadaalka la doonayo in dib dalka loogu dhiso.

——————————DHAMMAAD—————————–

Daud Aweis

Afhayeenka Madaxtooyada

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online