Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay guddiga amniga gobolka Mudug
July 1, 2016 - Written by EditorMadaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhiim ah u jooga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa kulamo la qaatay guddiga amniga gobolka Mudug, maamulka gobolka, kan degmada Gaalkacyo iyo sariisha ciidanka.
Kulamadaan uu Madaxweynuhu la qaatay laamahaasi kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee gobolka Mudug gaar ahaan xaaladda magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal argagixisanimo oo liddi ku ah ammaanka.
Madaxweynaha ayaa laamahaasi kala duwan kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa guud ahaan amniga magaalada Gaalkacyo isla markaana gacan bir ah loogu soo qaban lahaa sharcigana loo horgeyn lahaa dembiilayaasha iyo daakooxaha sharwadayaasha ah ee xilliyada habeenkii ka geysta magaalada dilalka qorshaysan.
Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kulamo noocaan oo kale ah la yeelan doonaa waxgaradka gobolka Mudug iyo qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee gobolka, waxayna kulamaadni socon doonaan ilaa inta laga xaqiijinayo amniga magaalada Gaalkacyo.
—DHAMMAAD—
XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.