Madaxweynaha Puntland oo kulan la qaatay guddiga amniga gobolka Mudug

July 1, 2016 - Written by Editor

IMG_8114Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo hawlo shaqo oo muhiim ah u jooga magaalada Gaalkacyo ee Xarunta gobolka Mudug ayaa kulamo la qaatay guddiga amniga gobolka Mudug, maamulka gobolka, kan degmada Gaalkacyo iyo sariisha ciidanka.

Kulamadaan  uu Madaxweynuhu la qaatay laamahaasi kala duwan ayaa waxaa diiradda lagu saaray xaaladda amni ee gobolka Mudug gaar ahaan xaaladda magaalada Gaalkacyo oo muddooyinkii ugu dambeeyey ay ka dhacayeen falal argagixisanimo oo liddi ku ah ammaanka.

Madaxweynaha ayaa laamahaasi kala duwan kala hadlay sidii loo xaqiijin lahaa guud ahaan amniga magaalada Gaalkacyo isla markaana gacan bir ah loogu soo qaban lahaa sharcigana loo horgeyn lahaa  dembiilayaasha iyo daakooxaha sharwadayaasha ah ee xilliyada habeenkii ka geysta magaalada dilalka qorshaysan.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu kulamo noocaan oo kale ah la yeelan doonaa waxgaradka gobolka Mudug iyo  qaybaha kala duwan ee bulshada rayidka ah ee gobolka, waxayna kulamaadni socon doonaan ilaa inta laga xaqiijinayo  amniga magaalada Gaalkacyo.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
July 2016
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
25262728293031
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online