Ciidamada Danab iyo kuwa PSF Puntland oo howlgalo ka fuliyey Gaalkacyo. (Masawiro)

August 10, 2016 - Written by Editor

6Gaalkacyo:-Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Federaalka Soomaaliya gaar ahaan kuwa DANAB iyo ciidanka Puntland ee PSF ayaa howl galo gaar ah ka fuliyey magaalada Gaalkacyo gaar ahaan Koonfurta iyo Waqooyiga magaalada Gaalkacyo waxaan howlgalkaas lagu soo qabtay dad tiradadood gaarayso ilaa 70 qof oo ay ku jiraan 5 xubnood oo lagu sheegay in ay yihiin Al-shabaab.

Howl galka ay wada fuliyeen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee DANAB iyo kuwa ciidanka Puntland ee PSF ayaa ahaa mid dhacay waqti habeenimo ah oo ay dadku hurdaan waxaan ay bartil maamsadeen goobo gaar ah oo ku yaal Waqooyiga iyo Koonfurta magaalada Gaalkacyo.

Abaanduulaha ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. Cali Baashi oo la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in howl galka ay si gaar ah u wada fuliyeen ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya ee Danab iyo kuwa Puntland PSF lagu qabtay Sarkaal Ajnabi ah oo ka tirsanaa ururka Al-shabaab oo magaciisa uu ku sheegay Saciid C/laahi Abuukar oo magac dheer Al-Suudaan.

Abaanduulaha ciidanka dowladda Federaalka Soomaaliya Jen. Cali Baashi ayaa waxaa kale oo uu sheegay in howl galka ay ku qabteen 5 xubnood oo ka tirsanaa Al-shabaab howlgalkuna uu ku soo dhamaaday guul.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Danab ee dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa maalmihii u dambeeyay howlgallo gaar ah la fuliyey ciidanka Puntland ee PSF waan markii ugu horaysay oo ciidamadan ay si wada jir ah ay howl galo ka wada fuliyaan magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Cutubyo ka tirsan ciidanka Danab ee dowladda Federaalka Soomaaliya iyo kuwa PSF ee Puntland ayaa waxaa  howl galkaan la fuliyey saraakiil Ajnabi ah oo la sheegayo in ay ka soo jeedaan dalka Maraykanka  arrinkaas oo dad weynaha Gaalkacyo u sheegeen  saxaafadda ka howl gasha gudaha Soomaaliya.

Hoos ka daawo Ciidamada ee Danab iyo kuwa PSF oo Gaalkacyo ku qabtay rag ka tirsan Alshabaab

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online