Culimo’udiinka Puntland oo ku baaqay in laga hortago Bandhig faneed la doonayo in lagu qabto Garoowe[Dhagayso]
August 6, 2016 - Written by EditorGaroowe:-Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ayaa si adag uga digay bandhig faneed la doonayo in lagu qabto magaalada Garoowe arrintaas oo horboodayaan fanaaniin Qurbo joog ah oo dibada laga keenay kuwaas oo lagu casumay xafladii dowladda Puntland ay u qabtay 18 guuradii ka soo wareegtay markii la yagleelay Puntland.
Culimo’udiinka Soomaaliyeed ee ku nool deegaanada Puntland gaar ahaan magaalada Garowe ayaa ku baaqay in la joojiyo bandhig faneedkaas xaaraanta ah iyagoo ugu baaqay bulshada qaybaheed kale duwan in ay si wada jir ah uga hortagaan arrinkaas foosha xun.
Sh. Maxamuud Xaji Yuusuf oo ah gudoomiyaha jaamacadda Bariga Afrika, kana mid ah culimada aadka looga yaqaan deegaanada Puntland iyo guud ahaan dalka Soomaaliya ayaa ugu baaqay dowladda Puntland, bulshada Garoowe, in ay si deg deg ah u joojiyaan bandhig faneedkaas xaaraanta ah oo diinta wax u dhimaya.
Hoos ka Dhagayso Sh. Maxamuud Xaaji Yuusuf
[audio:https://halgan.net/Mp3/Kahortaga-Bandhig-Faneedka-.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net