Doorashada 2016 laga qaban lahaa gudaha Soomaaliya oo mudo 2 bil ah dib u dhacday
August 5, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Wararka hoose oo Halgan.net ay heshay shir wadayashiga ee hogaamiyaasha Soomaalida ee ka socda Muqdisho ayaa la filayaa in waqtiga doorashada gudoonka Baarlamaanka iyo Madaxweynaha uu dib dhac ku yimid. Xidhibaanada cusub ee labada Gole ee Baarlamaanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa waxaa la soo xulayaa bilowga bisha Octoobar2016 ilaa laga gaarayo 16-oct halka Waqtiga gudoomiyaha Baaramnaaka loo asteeyey in la qabto 17-20 Octobar 2016 halka Madaxweynaha cusub ee Dowladda Federaalka Soomaaliya la dooran doono 25-Octobar 2016.
Ilaa hadda ma jirto warmurtiyeed ka soo baxay shir wadayashiga ee hogaamiyaasha Soomaalida ee ka socda Muqdisho oo la filayo in si rasmi ah loo soo afmeero maalinta Axad ah.
A/cawaale
Halgan.net