Golaha sare ee dhaqanka Gobollada SSC oo ku dhawaaqay Shirweyne wada tashi guud
August 13, 2016 - Written by EditorLaascaanood:-Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Hogaanka sare ee golaha sare ee dhaqanka gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn magaalada Dhumay oo Laascaanood kaga beegan dhanka Koonfureed 40 KM ayey ku sheegeen mawqifka ay ka qabaan aayaha gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn .
Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaad Saleebaan Garaad Buraale , Garaad C/Risaaq Garaad Soofe , Garaad , Garaad Maxamuud Mashqarre Garaad Saleebaan maxamed Buraale , Garaad Maxamuud Xasan Garaad Jaamac garaad Ismaaciil, , Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo dhamaan Issimada gobollada Sool Sanaaag iyo Cayn .Issimadan oo ku sugnaa maanta magaalada Dhumay ee koonfurta gobolka Sool ayaa waxay sheegeen in :
1.Shirkii ka dhacay magaalada Caynaba Todobaadkii la soo dhaafay ee u dhaxeeyey Maamulka Khaaatumo iyo Somaliland uu ahaa mid loo dusay , isla markaana aanay cidii ka qayb gashay shirkaasi aaney matelin gobollada Sool sanaag iyo Cayn .
2.Shir la sheegay in magaalada Dubai ee wadanka Imaaaraatka 18 ka bishani aanay waxba kala socon , waxna ka jirin warar la isla dhexmareyey maalmahaan oo ahaa in Isimada gobolkani ay ka qayb geleyaan shirkani . isla markaana koox gaara aysan mateli karin aayaha shacab waynaha gobollada mandiqada.
3.Issimadan ayaa ku baaqay Shirwayne u dhaxeeya dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn oo ay kaga tashanayaan aayaha mustaqbaleed ee gobollada SSC.
Shirweynahana oo ay ka soo qayb galayaan dhamaan Issimada Cuqaasha , Siyaasiyiinta gobolkan ee ku jira Puntland , Somaliland , Dowladda Federaalka ee Somalia, Dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya , Qurba Joog , Ganacsato , Culimo , Warbaahinta ,iyo Haweenwayanaha gobolka.
Ugu danbayntii kala soco Somali News TV goor dhaw warbixin Muuqaalada Issimadani .
Mawliid Haradigeed
Dhumay ,Koonfurta
Gobolka Sool .