Golaha sare ee dhaqanka Gobollada SSC oo ku dhawaaqay Shirweyne wada tashi guud

August 13, 2016 - Written by Editor

13901561_985900838173777_8375971719920301854_nLaascaanood:-Shir Jaraa’id oo ay wada qabteen Hogaanka sare ee golaha sare ee dhaqanka gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn magaalada Dhumay oo Laascaanood kaga beegan dhanka Koonfureed 40 KM ayey ku sheegeen mawqifka ay ka qabaan aayaha gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn .

Garaad Jaamac Garaad Cali , Garaad Saleebaan Garaad Buraale , Garaad C/Risaaq Garaad Soofe , Garaad , Garaad Maxamuud Mashqarre Garaad Saleebaan maxamed Buraale , Garaad Maxamuud Xasan Garaad Jaamac garaad Ismaaciil, , Suldaan Siciid Cismaan Cali iyo dhamaan Issimada gobollada Sool Sanaaag iyo Cayn .Issimadan oo ku sugnaa maanta magaalada Dhumay ee koonfurta gobolka Sool ayaa waxay sheegeen in :

1.Shirkii ka dhacay magaalada Caynaba Todobaadkii la soo dhaafay ee u dhaxeeyey Maamulka Khaaatumo iyo Somaliland uu ahaa mid loo dusay , isla markaana aanay cidii ka qayb gashay shirkaasi aaney matelin gobollada Sool sanaag iyo Cayn .

2.Shir la sheegay in magaalada Dubai ee wadanka Imaaaraatka 18 ka bishani aanay waxba kala socon , waxna ka jirin warar la isla dhexmareyey maalmahaan oo ahaa in Isimada gobolkani ay ka qayb geleyaan shirkani . isla markaana koox gaara aysan mateli karin aayaha shacab waynaha gobollada mandiqada.

3.Issimadan ayaa ku baaqay Shirwayne u dhaxeeya dhamaan qaybaha kala duwan ee bulshada gobollada Sool , Sanaag iyo Cayn oo ay kaga tashanayaan aayaha mustaqbaleed ee gobollada SSC.

Shirweynahana oo ay ka soo qayb galayaan dhamaan Issimada Cuqaasha , Siyaasiyiinta gobolkan ee ku jira Puntland , Somaliland , Dowladda Federaalka ee Somalia, Dawladd Deegaanka Soomaalida Itoobiya , Qurba Joog , Ganacsato , Culimo , Warbaahinta ,iyo Haweenwayanaha gobolka.

Ugu danbayntii kala soco Somali News TV goor dhaw warbixin Muuqaalada Issimadani .

Mawliid Haradigeed

Dhumay ,Koonfurta
Gobolka Sool .

 

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online