Guddoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland iyo Wafdi uu Hogaaminayo oo gaaray Galkacayo.[Masawiro]

August 24, 2016 - Written by Editor

IMG_3948Gaalkacyo:-Gudoomiyaha Baarlamaanka Dawladda Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi iyo wafdi uu hoaaminayo ayaa maanta  Aug 24, 2016 socdaal ku tagay magaalada Galkacyo ee xarunta Gobolka Mudug, waxaana si diiran usoo dhoweeyey guddoomiyaha iyo wafdigiisa masuuliyiin kala duwan oo ka tirsan golayaasha Dawladda Puntland.

Socdaalka guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa ku salaysnaa sidii ay shacabka Puntland gaar ahaan bulshada Galkacyo ugu tacsiyeyn lahaayeen isla markaana ula qaybsan lahaayeen murugada iyo dhibaatadii ay kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab u geysteen shacabka Gobolka Mudug.

Guddoomiyaha ayaa booqday goobtii ay qaraxyadu ka dheceen ee gudaha Gaalkacayo, wuxuuna tilmaamay isagoo ay weheliyaan wasiiro, xildhibaano iyo wafdigii la socday inay ka xun yihiin dhibaatadii loo geystay shacabka Gaalkacayo.

Guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland Mudane Axmed Cali Xaashi ayaa saxaafadda kula hadlay goobtii qaraxyadu ka dheceen wuxuuna tacsi u diray guud ahaan shacabka Puntland gaar ahaan bulshada Gaalkacayo, isagoo sidoo kale tilmaamay in dhibaatooyinka ay geystaan kooxda dhagar qabayaasha ah ee Al-shabaab in aysan ka hor istaagi doonin masuuliyiinta iyo shacabka Puntland inay dalkooda dib u dhisaan, isla markaana ay dagaal la galaan argagixisada
Al-shabaab.

Dhinaca kale guddoomiyaha Baarlamaanka Puntland ayaa guud ahaan shacabka Puntland ugu baaqay in si wada jir ah looga qayb qaato dib u dhiska hantidii ku burburtay weerarkii Gaalkacayo kaasi oo khasaare baaxad leh geystay.

Gudoomiyaha iyo wafdigiisa ayaa ku sugnaan doona magaalada Gaalkacayo maalmaha soo socda, isla markaana waxay isaga iyo wafdigiisu si dhab ah u qiimeyn doonaan dhibaatooyinka naf iyo maalba leh ee ay geysteen weeraradii ay soo qaadeen argagixisada Al-shabaab oo ahaa qaraxyo kala duwan, waxaana la guda geli doonaa in si deg deg ah dayactir loogu sameeyo hantidii bur burtay.

–DHAMMAAD–

Xafiiska Warfaafinta, Wacyi-gelinta, Hiddaha iyo Dhaqanka ee Madaxtooyada Dawladda Puntland.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online