Hanaanka Mataalada Aqalka Sare ee Gobalka Banaadir iyo xulista Xildhibaanada ka imaanaya S/land oo la Isku Afgartay

August 6, 2016 - Written by Editor

IB0A4983Muqdisho:-Shirka Madasha Hoggaamiyeyaasha Dowladda Federaalka iyo Dowlad Goboleedyada Soomaaliya ayaa weli si habsami leh uga socda Muqdisho, iyadoo la rajeynayo in beri si rasmi ah loo soo afjaro. Ilaa iyo haatan waxaa uu shirku ku tallaabsadey horumar la xiriira dedejinta arrimaha doorashada lagu wado inay sannadkan dalka ka dhacdo, sida meel marinta miisaaniyadda doorashada, hannaanka mataaladda Aqalka Sare ee gobolka Banaadir, iyo xubnaha ka iman doona beelaha ka soo jeeda Somaliland.

Waxaa sidoo kale la isku afgartey in deg-deg loo soo dhiso maamulka ka dhexeyn doona gobollada Shabeellaha Dhexe iyo Hiiraan, iyo in si buuxda loo taageero hawlaha guddiga doorashada ee heer federaal oo xil weyn iska saaray sidii doorashadan ay u najixi lahayd.

Shirkan ayaa waxaa ka qeybgalaya Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud, Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid Sharma’arke, Ra’iisul Wasaare Ku-Xigeenka, Maxamed Cumar Carte iyo madaxda dowlad goboleedyada dalka ka dhisan.

Waxaa la filayaa in gebagabada shirka laga soo saaro war murtiyeed qeexaya qodobada la isku afgartey.

————————-DHAMMAAD—————————

Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online