Iska horimaad ka dhacay magaalada B/xaawo ee xarunta gobalka Gedo
August 29, 2016 - Written by EditorBeledxaawo:-Ugu yaraan afar qof ayaa ku dhimatay, halka ay 10 kalana ku dhaawacmeen iska horimaad culus oo maanta degmada Beledxaawo ee gobolka Gedo ku dhexmaray ciidamo ka tirsan maamulka Jubbaland iyo maleeshiyo deegaanka ah.
Wararka ugu danbeeeyey ee naga soo gaaraya magaalada B/xaawo ayaa sheegaya in dadka ku dhintay dagaalka ay u badan yihiin dhinacyadii ku dagaallamay gudaha magaalada B/xaawo waxaana uu dagaalka salka ku hayaa muran la xiriira isbeddel dhawaan Maamulka J/land uu ku sameeyey maamulka Degmada Beledxaawo.
Wasiirka amniga ee Jubbaland, Cabdirashiid Janan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in ciidankoodu ay weerareen koox uu sheegay in ay isku urursaneysay gudaha magaalada B/xaawo kuwaas oo amni daro ka waday magaalada isaga oo ku faanay in qaar ka mid ah gacanta ku dhigeen kuwa kalana ay baxsadeen .
A/Cawale
Halgan.net