Madaxweynaha dawladda Puntland Shacabka ugu hambalyeeyey maalinta taariikhiga ah ee 1-da August.[Cod/Masawiro]

August 2, 2016 - Written by Editor

IMG_2684Garoowe:-Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa caawa 1 August, 2016 Qasriga Madaxtooyada Puntland ee Garoowe kaga qayb galay Munaasabadda Xuska maalinta Taariikhiga ah ee 1-da August oo ku beegan 18-sanno guuradii kasoo wareegtey markii Puntland dhidibada loo taagey. Munaasabadda ayaa waxa kasoo qayb galay madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdulaahi Xaaji Cumar Camey, Marwada Madaxweynaha Dr’s Hodon Siciid Ciise, Wasiiro, Xildhibaano, xubno ka socda beesha caalamka, Abwaano, kooxaha kala duwan ee Fanka Puntland oo ay ka mid yihiin Mahuraan Band, Waaberi Puntland iyo Fannaaniin ka kala yimi waddamo kala duwan, kuwaas oo waqtigooda u soo huray sidii ay shacabka Puntland farxadda ula qaybsan lahaayeen.

Munaasabadda ayaa muddadii ay socotey waxaa lagu xusay guulihii ay dawladda Puntland ka gaartey sannadkaan 2016-ka dhinacyada siyaasadda, difaaca, dhismaha kaabayaasha dhaqaalah iyo tartamadii ugu dambeeyey ee Qur’aanka Kariimka ah iyo Kubbadda cagta oo labada ay Puntland ku guulaysatey.

Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa xulka kubbadda cagta Puntland ee guulaha waaweyn usoo hooyey shacabka Puntland waxaa uu kumannaan qof hortood ku guddoonsiiyey abaal-marino isugu jira shahaado sharafyo iyo qaddarro lacago ah, taas oo uu Madaxweynuhu uga gol-lahaa in lagu dhiirri geliyo dhallinyaradaasi guulihii ay shacabkooda iyo dawladdooda usoo hooyeen.

Madaxweynaha dawladda Puntland oo khudbaddiisii sannad laha ahayd jeediyey ayaa mahadcelin ka dib shacabka Puntland ugu hambalyeeyey maalintaan qaaliga ku ah ee 1-da August, isla maraana waxa uu ka sheekeeyey xaaladda guud ee Puntland, guulaha la gaarey  muddadii 18-ka sano ahayd ee ay Puntland jirtey iyo halka ay hiigsanayso Puntland.

Madaxweynahay ayaa sheegay in amniga guud ee Puntland uu yahay mid sugan isla markaana looga baahan yahay shacabka Puntland in ay gacmaha is qabsadaan si’ay u ilaashadaan amnigooda, iyagoona meel uga soo wada jeesanaya kuwa magacyada kala duwan adeegsanaya ee cagabadda ku ah amniga iyo xasilloonida waddanka.

Madaxweynaha ayaa sidoo kale xusay in ujeedkii Puntland loo aas-aasay u ahaa in lagu baadi goobo dawladdanimadii Soomaaliyeed ee xoogga lahayd ee burburtay isla markaana aya Puntland ilaa iyo hadda u heellan tahay sidii ay ummadda Soomaaliyeed u heli lahayd dawladnimo taam ah  ugana bixi lahayd diihaalka daashadey dadka Soomaaliyeed.

Ugu dambayn Madaxweynaha ayaa shacabka Puntland markale ugu hambalyeeyey farxadda Sannad guurada 18-aad ee kasoo wareegtey aas-aaskii Puntland waxaana uu Eebbe uga baryey in uu sannadkaan sannadkiisa ku gaarsiiyo bash-bash, barwaaqo iyo baraare.

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Madaxweyne Gaas ka jeediyey Xafladii 18 guuradii ka soo wareegtay markii la aasaasay Puntland oo xalay ka dhacday Garoowe

[audio: https://halgan.net/Mp3/1-daaugtGaas.mp3]

Halkaan ka Dhagayso Mp3

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYODHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online