Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan oo gaaray Baraawe.
August 28, 2016 - Written by EditorBaraawe:-Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ayaa sheegaya in wafdi uu horkacayo Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ay gaareen Degmada Baraawe oo ah xarunta maamulka Koofur Galbeed.
Ujeedada Socdaalka Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa waxaa lagu sheegay inuu xariga ka jarayo xarunta Madaxtooyada Maamulka Koofur Galbeed ee dhowaan laga hirgashay Degmada Baraawe.
Ciidanka maamulka Koofur Galbeed iyo kuwa AMISOM ayaa aad u adkeeyey amaanka Degmada Baraawe waxaana Madaxweynaha Koofur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan uu kulamo goonigooni ah la yeelan doonaa odayaasha dhaqanka iyo qeybaha kala duwan ee Bulshada.
Maamulka Koofur Galbeed ayaa waxaa la filayaa in uu dhawaan u soo guuro Degmada Baraawe ee gobalka Sh /Hoose si uu halkaas uga sii ambaqaado howlaha horyaal Maamulka .
A/Cawale
Halgan.net