Madaxweynaha Puntland oo si diirran loogu soo dhaweeyey magaalada Garoowe (Masawiro)

August 10, 2016 - Written by Editor

IMG_3423Madaxweynaha dawladda Puntland Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo waftigii uu hoggaaminayey ee Puntland uga qayb galay shirkii Madasha wadatashiga qaran ee magaalada Muqdisho lagu soo gebagebeeyey ayaa maanta 10 Agoosto, 2016 soo gaarey magaalada Garoowe ee Caasimadda dawladda Puntland.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa waxaa garoonka diyaaradaha ee Konoko ee duleedka Garoowe kusoo dhoweeyey Madaxweyne ku-xigeenka dawladda Puntland Eng. Cabdixakiim Cabdullaahi Xaaji Cumar Camey, Wasiirro, Xildhibaano, saraakiisha ciidanka, saraakiil ka tirsan Madaxtooyada iyo dadweyne kale.

Madaxweynaha ayaa markii uu soo gaarey Qasriga Madaxtooyada waxaa uu ka warbixiyey safarkiisii muddada toddobaadka ah qaatay ee uu ugu maqnaa magaalada Muqdisho waxaan uu tilmaamay Madaxweynuhu in safarkaasi uu guul kusoo dhammaaday.

Sidoo kale Madaxweynuhu waxa uu rajo wanaagsan ka muujiyey hirgelidda qodobbadii kasoo kasoo baxay shirka Madasha wadatashiga qaranka ee qeexayey qaababka loo soo xuli doono labada aqal ee Baarlamaanka iyo xilliga doorashooyinka Baarlamaanka iyo Madaxtooyadu ay qabsoomi doonaan.

Dhinaca kale Madaxweynuhu waxa uu bogaadiyey guushii ay ka gaartey tartankii ay gashay Ilhaan Cumar oo ah gabar Soomaaliyeed oo u tartamaysey golaha deegaanka 60B ee Degmada Minneapolis ee dalka Maraykanka, waxaana uu ku tilmaamay Madaxweynuhu in ay tusaale u noqon doonto hablaha Soomaaliyeed ee ku kala nool daafaha dunida.

Ugu dambayn Madaxweynuhu waxaa uu shacabka Puntland ugu baaqay in ay adkaystaan amniga iyo xasilloonidooda isla markaana ay si buuxda ula shaqeeyaan laamaha ammaanka ee habeen iyo dharaarba u heellan sugidda nabad-gelyada guud ee Puntland.

—DHAMMAAD—

XAFIISKA WARFAAFINTA, WACYIGELINTA, HIDDAHA IYO DHAQANKA EE MADAXTOOYADA DAWLADDA PUNTLAND.

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online