Madaxweyne ku xigeenka dowladda Puntland oo gaaray Gaalkacyo.[Dhagayso]
August 22, 2016 - Written by EditorGaalkacyo:-Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ,Saraakiil ciidan iyo wafdi wasiiro ayaa gaaray magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug. Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar ayaa ka tacsiyeey qaraxii ay shacabka Gaalkacyo kula bartil maam sadeen kooxda Al-shabaab, qaraxaas oo dad badan oo shacab ah ay ku dhinteen halka kuwa kalena uu ka soo gaaray dhaawacyo.
Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay ayaa shacabka ugu baaqay in ay adkeeyaan amnigooda ayna la shaqeeyaan ciidamada amniga si looga hortago wax walba oo nabadgelyo daro keeni kara.
Hoos ka Dhagayso Madaxwayne ku xigeenka dowladda Puntland Eng.C/xakiin C/laahi Xaaji Cumar Camay.
A/cawaale
Halgan.net