Madaxweyne Xasan Sheekh oo wafdi ka socda Jarmalka uga waramey hawlaha doorashada iyo arrimo kale

August 8, 2016 - Written by Editor

jarmalka-1-1-740x400Muqdisho:-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xassan Sh.Maxamuud, ayaa Xarunta Madaxtooyada ku qaabilay wafdi uu horkacayay Agaasimaha Guud ee Wasaaradda Arrimaha Dibedda ee Jamhuuriyadda Federaalka Jarmalka ugu qaabilsan arrimaha dalalka Afrika ee Saxaraha ka hooseeya, Danjire Georg Schmidt.

Madaxweynaha iyo wafdiga ayaa ka wadahadley xiriirka labada dal, arrimaha doorashada Soomaaliya, dib u dhiska Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, amniga gobolka, qaxootiga Soomaalida ee la doonayo in dib dalka loogu soo celiyo, iyo sidii loo soo nooleyn lahaa iskaashiga machadyada mihnadaha laga barto si ay uga faa’iideystaan dhalinyarada Soomaaliyeed.

Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa wafdiga ka codsadey inay salaam ka gaarsiiyaan Ra’iisul Wasaaraha Jarmalka, Angela Merkel, dowladda iyo shacabka Jarmalka.

Danjire Schmidt oo isna soo dhoweeyay horumarka Soomaaliya ay ku tallaabsatey, isagoo sheegay inuu aaminsan yahay in Soomaaliya ay dib cagaheeda isku taagi doonto, beesha caalamkuna oo Jarmalka ay ka mid tahay ay doorkooda ka cayaari doonaan.

Kulankan waxaa goobjoog ka ahaa mas’uuliyiin ka tirsan labada dhinac.

————————–DHAMMAAD———————
Daud Aweis
Afhayeenka Madaxtooyada
Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online