Mu’tamarkii islaamiga 24 aad ee wadamada waqooyiga Yurub oo la soo Af meeray (Masawiro)

August 1, 2016 - Written by Editor

image 6Finland:-Mu’tamarkii islaamiga  24 aad ee xagaaga oo ay ku bahoobeen waddamada waqooyiga Yurub oo si guul ah loogu soo gabagabeeyay magaalada Helsinki ee xarunta dalka Finland.

Axaddii ay bisha Luulyo ahayd 31.8.2017 ayaa waxaa magaalada Helsinki ee xarunta dalka Finland si rasmi ah loogu soo gabagabeeyay shirweynihii islaamiga ahaa ee xagaaga, kaasoo ay si wadajir ah u qabanqaabiyaan maraakizta dacwada ee wadamada waqooyiga Yurub ee Finland, Sweden, Denmark iyo Norwey, socdeyna intii u dhaxeysay 28-31.7.2016.

Shirkaasi oo ahaa kii 24 aad aya waxaa sannadkaan marti geliyay markazka islaamiga ah ee Helsinki Islam Center, masjidk Alhuda. Waxaana ka soo qeybgalay 9 ka mid a culimada Soomaaliyeed oo kala ahaa:-

  1. Sheekh Maxamed Idiris Axmed
  2. Sheekh Mustafa Xaaji Ismaaciil
  3. Sheekh Yuusuf Axmed
  4. Sheekh Dr Cali Maxamed Saalax
  5. Sheekh Dr Cabdinuur Maxamed
  6. Sheekh Dr CAbdiweli Sh Maxamed X Yuusuf
  7. Sheekh Cabdiraxmaan Abyad
  8. Sheekh Shaafici Maxamed
  9. Sheekh Maxamed Sh Cabdiweli

Mu’tamarka waxaa halkudhiga uu sannadan xanbaarsan yahay uu ahaa ”Muslimiinta qurbaha ku nool dhibaatooyinka heysta iyo xal u helidooda”,waxaana mu’tamarka ka baxay 18 muxaadaro oo dhammaantood ka hadlaayay mawaadiic la xiriirta halkudhiga mu’tamarka, waxaa sidoo kale ka baxay 2 nadwo oo ka kala hadlaayay qaar ka mid ah mashaakilaadka ugu waaweyn ee heysta qurbo joogta iyo mid ku saabsaneyd qalbi jilcin iyo xusuusashada aakhiro. Waxaa sidoo kale mu’tamarka lagu soo gabagabeeyay nadwo su’aalo iyo jawaabo ah oo ay culimadu kaga jawaabeen su’aalihii ay dadweynuhu u soo gudbiyeen. Sheekh Maxamed idirs ayaa ku soo xirey mu’tamarka duco guud oo uu u duceeyay dadweynihii, shaqaalihii iyo maamulka masjidkaba, iyo sidoo kale si guud ahaaneed ummadda soomaaliyeed.

Guud ahaanba mu’tamarkaasi oo ay ka soo qaybgaleen dadweyne aad u fara badan, oo qaarkood ay ka kala yimaadeen wadmada deriska ayaa waxaa la oran karaa wuxuu ku soo dhammaaday jawi aad u qurux badan oo guul leh. Qiyaasta tirada dadweynaha ka soo qeybgalay waxaa ay kor u dhaafayeen 1500 oo qof.

Waxaa maamulka markazka Helsinki Islam center ee masjidka Alhuda uu mahad ballaaran u soo jeedinayaa Culimadeena sida hagar la’aanta ah ugu soo gudbiyay dadweynahooda waxyaabihii ay uga baahnaayeen in ay ka ogaadaan xagga diintooda, iyo sida ay waqtigooda ugu soo hureen xoojinta iyo ka qaybgalka mu’tamarka,. Sidoo kale waxaa maamulku uu mahad ballaaran u soo jeedinayaa dhammaan dadweynaha soomaaliyeed ee sida sharafta leh u soo ajiibay codsigoodii ahaa ka soo qeybgalka mu’tamarka, iyo ilaalinta nidaamkaba.

Sidoo kale waxaa uu maamulku mahad ballaaran u soo jeedinayaa dhamaan walaalihii kala duwanaa ee rag, dumar iyo dhalinyaraba lahaa ee  shaqada balaalaran ka qabtay howsha mu’tamarka.

Waxyaabaha guusha la taaban karo ee ummadda soomaaliyeed u soo hoyatayy waxaa ka mid ahaa in dhinaca gargaarka deg-dega ah dhalintii ka shaqaynaysay oo iyagu fadhiyay goob loogu talagalay ay ahaayeen dhamaantood dhalintii halkaan ku dhalatay ama ku korey ee bartay arimaha caafimaadka , oo qaarkood ay yihiin dhakhaatiir , qaarkoodna ay yihiin kalkaalisooyin caafimaad.

Waxaa kaloo uu maamulku mahad khaas ah u soo jeedinayaa dumarka soomaaliyeed oo iyagu laba oran karo la’aantood ma socdeen mu’tamarka, kuwaasoo kaalin weyn ka qaatay xagga diyaarinta cuntada , nadaafada iyo soo dhoweynta culimadaba.

Waxaa sidoo kale uu maamulka markazku mahad balaaran u soo jeedinayaa walaalaha somalimedia ee ku howlanaa duubista muxaadaraadka mu’tamarka, shaqadaasoo ay walaaluhu si naftiihurinimo ah u soo hayeen tan iyo intii uu mu’tamarkaasu socday, howshaasoo ah runtii mid aad u qiima badan, islamarkaana u baahan waqti iyo dadaal.

Gabagabadii mu’tamarkaan oo soo socdey muddo 24 sano ah, ayaa wuxuu ku soo dhamaaday jawi aad u wanaagsan, iyadoo dadweynuhuna ay aad ugu riyaaqeen, islamarkaana ay codsanayeen in sannadka xigana loo qabto mu’tamar kan la mid ah.

Halgan.met
Finland

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online