Taliska Booliska Gobolka Bari oo soo bandhigay 160 Tahriibiyaal ah oo howl gal ay ku qabteen.[Dhagayso]
August 11, 2016 - Written by EditorBoosaaso:-Taliska ciidanka Booliska gobolka Bari ayaa maanta waxaa ay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ku soo bandhigeen in ka badan 160 tahriibayaal ah oo isugu jirey rag iyo dumar waxaan ay ciidanku tahriiba yaashaan ay ka qabteen deegaanka Mareero ee Gobolka Bari.
Tahriibayaash ayaa waxaa la soo qabtay xili ay doonayeen in si dhuumalaysi ah ay uga tahriibaan xeebaha gobolka bari si ay ugu gudbaan dalalka Liibiya , Yeman si ay ugu sii tahriibaan Yurub taas ay kala kulmaan silic iyo in naftooda ay ku waayaan.
Hoos ka Dhagayso Idaacadda Radio Daljir oo warbixin ka diyaarisay tahriibayaashaan la qabtay
[audio:http://www.radiodaljir.com//resources3/files/Warbixinta%20Tahriibayaasha%20Xasan%20Heykal%20Bosaaso%20.mp3]M_M_Deeq
Halgan.net