Wasiirka arrimaha dibadda DFS oo xafiiskiisa ku qaabilay Danjire Stephen M. Schwartz
August 9, 2016 - Written by EditorMuqdisho:-Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya waxaa u sharaf ah inay soo dhoweyso Danjire Stephen M. Schwartz oo ah Safiirka cusub ee Dowladda Mareykanka u qaabilsan Soomaaliya .
Danjire Stephen M. Schwartz waa Safiirkii ugu horeeyay ee Mareykan ah tan iyo 1991 ee loo soo magacaabo Soomaaliya.
Magacaabistiisa waxa ay cadeyn u tahay xiriirka xoogan ee u dhaxeeya Soomaaliya iyo Mareykanka . sidoo kale waxa ay tilmaan cad u tahay in Soomaaliya ay u jiheysatay dhanka deganaanshaha iyo horumarka .
Soomaaliya iyo Mareykanka waxaa ka dhaxeeya xiriir laba geesood taariikhi ah. Xukuumadda iyo Shacabka Soomaaliyeed waxa ay u arkaan Xukuumadda iyo Shacabka Mareykanka saaxiib dhab ah iyo isbaheysi garab istaagay Soomaaliya intii lagu guda jiray waqtiyadii adkaa ee laga soo gudbay .
Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, waxa ay ku howlan tahay xoojinta xiriirka laba geesoodka iyo iskaashiga dhinacyada badan leh ee kala dhaxeeya Mareykanka .
Qeybta Warbaahinta iyo Xiriirka Bulshada
Section of Press and Public Relations