Wasiirka Gaashaandhigga oo Saraakiil Tababar u soo xiray (Masawiro)

August 13, 2016 - Written by Editor

10Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Mudane C/qaadir Sheekh Cali Diini ayaa maanta tababar ugu soo xirey xerada Gen. Dhegabadan Ex Jazeera Ciidamo ka tirsan Xoogga dalka Soomaaliyeed oo isugu jirey Saraakiil, Saraakiil xigeen, Ciidamadda Booliska Dableyda iyo Injineero, waxana tababarku soconayay muddo 5 bilood ah, kaas oo bixinayeen Saraakiil ka tirsan Midowga Yurub.

Waxyaabaha tababarkan lagu siiyey ciidamada ayaa waxaa ka mid ah sidii ay u dhowri lahaayeen shacabka, marka ay taageen goobaha laga saaro Al-Shabaab, loona dul-qaato shacabka.

Wasiir Diini wuxuu kula dardaarmay ciidamadii tababar loosoo xiray inay isku diyaariyaan difaaca sharafta iyo madaxbannaanida dalka, taasoo uu sheegay inay tahay midda loo tababaray.

Munaasabadda ayaa waxaa sidoo kale ka qeyb galay Taliyaha Hoggaanka Tababarka Ciidamadda Xoogga dalka S/G C/laahi Cali Caanood, Taliye ku xigeenka Ciidamadda AMISOM iyo saraakiisha Midowga Yurub ee tababara Ciidamadda Xoogga dalka.

—–DHAMMAAD——

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online