Xafladii furitaanka Masjidka As-Sunnah ee Magaalada St. Paul. ee Gobalka Minnesota.[Video]

August 2, 2016 - Written by Editor

ppMinnesota :-Waxaa lagu qabtay Masajidka As-Sunnah xaflad si heersare ah loo Soo agaasimay oo ay ka Soo qaybgaleen Culimada waqooyiga Maraykanka intoodii badnayd iyo dadwayne aad u tiro badan,xafladaas oo lagu daah furaayay Masajidka As-Sunnah Islamic Center oo dhismihiisa ay la Soo wareegeen jaaliyada soomaaliyeed ee ku dhaqan Magaalada St. Paul. Iyadoo Masaajidka mudo 12 sano ah uu kiro ahaa. Waxaa Warbixin kooban ka bixiyay Masajidka iyo heerarkii uu Soo maray Imaamka Masajidka Sh Abdallah Nur Abul- Fadli oo ka warbixiyay dacwada Masajidka iyo dadaalkii loomaray la Soo wareegida Dhismaha Masajidka,isagoo u Mahad celiyay dhamaan Dadkii ka qayb qaatay.

Sidoo kale Gudoomiyaha Golaha Jamciyada IANA Dr. Sh Abdirahman Sh Omar ayaa isna ka hadlay muhiimada Masajidka iyo baahida ay xaafada ay u qabtay Masajidka,wuxuuna ku booriyay dadwaynihii ka Soo qayb galay xaflada inay ka qayb qaataan sii dhamaystirka wixii ka dhiman Masajidka. Waxaa ka loo munaasabada hadalo ka jeediyay Culimo badan oo ka timid Gobalada dalka Maraykanka ahna imaamyada Masajidka W/Maraykanka ee Jaliyada Soomaliyeed.  Dhamaan culimadii iyo dadwaynihii isugu yimid xaflada waxay u duceeyeen una mahadceliyeen Sh Abdalla Abul-Fadli oo dadaal dheeraad ah u galay sidii loo iibin lahaa Masajidka Illaahay fadligii kadibna  ku guulaystay hawshaas.

Hoos ka Daawo Xafladii furitaanka Masajidka As Sunnah ee Magaalada St. Paul Mn.

Xafiiska Dacwada iyo Iclaamka
ee Masajidka As-Sunnah Islamic Center
St. Paul MN. 

 

 

Leave a comment

*

Archives
August 2016
M T W T F S S
1234567
891011121314
15161718192021
22232425262728
293031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online