Gudiga Gurmadka Qaraxii Soobe ee Puntland oo lagu soo dhaweeyey magaalada Muqdisho.[Video/Masawiro]
November 4, 2017 - Written by EditorMuqdisho:-Wafdi iskugu jira culimo’udiin iyo wasiiro ka tirsan Puntland ayaa maanta waxaa ay socdaal ku gaareen magaalada Muqdisho si ay gudiga taakuleynta Musiibadii is-goyska Soobe ugu wareejiyaan lacag tabarucaad ah oo culimadu ka soo aruuri yeen deegaanada Puntland. Waftigan saaka ka ambabaxay magaalada Boosaaso kana dhoofay garoonka Diyaardaha ee Boosaaso waxayna ka koobnaayeen Wasiiro ,Culumo’udiin, ganacsato iyo masuuliyiin ka socda waxaa ay kala yihiin:-
-Wasiirka Arrimaha Guddaha Puntland Cabdulaahi Timacade
-Wasiiru Dowlaha Maaliyada Puntland Maxamuud Beeldaaje
-Mareeyaha Rugta Ganacsiga Maxamed Caydiid
-Mareeye ku xigeenka Maxjarada Puntland Liibaan Axmed Shire.
-Sh.Maxamuud Xaaji Yuusuf
-Sh.Fuaad Maxamuud Xaaji Nuur
-Sh.Yaasiin Abdulaahi
– Madaxa Mu’assadda Al-minhaaj Sh Maxamed Cabdulaahi.
Hoos ka Dhagayso Sh Fu’aad Xaaji Nuur oo idaacadda VOA ka waraystay safarkooda Muqdisho
Wafdiga oo maanta ka ambabaxay magaalada Boosaaso ayaa waxaa si weyn u soo dhaweeyey magaalada Muqdisho ee caasimada dalka Soomaaliya masuuliyiin ka tirsan 2-da gole ee Dowladda Federaalka Soomaaliya iyo xubno Xildhibaano ah iyo culimada Soomaaliyeed ee ku nool magaalada Muqdisho.
Deeqdaan Lacageed oo ay iska soo aruuriyaan shacabka Soomaaliyeed ee ku dhaqan deegaanada Puntland iyo Madaxda Maamulka Puntland ayaa gaareysay In ka badan 480,000 kun oo Dallar taasi oo loogu tala galay in lagu caawiyo dadkii ay wax yeelada ka soo gaartay qaraxii ka dhacay Isgooska Zoobe ee magaalada Muqdisho.
no images were found
Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Cilmi Cumar Ceynsane ayaa mahad u jeediyey shacabka Puntland iyo Madaxda Puntland wuxuuna wasiirku xusay in Soomaali ay midnimo haddii laga hello ay iyagu is caawin karaan.
Hoos ka Daawo wafdi ka socda Puntland oo Deeq Lacageed Gaarsiisayey magaalada Muqdisho
M_M_Deeq
Halgan.net