Jubbaland oo soo bandhigay nin ku eedeeysan Fal kufsi ah oo ka dhacay Bosaaso.[Video]
November 10, 2017 - Written by EditorKismaayo:-Ciidanka Booliska maamulka Jubbaland ayaa waxaa ay ku guulaysteen in ay soo qabtaan C/qaadir Warsame Axmed oo ah eedeysane gabar Soomaaliyeed damcay in uu kufsado ka dibna markii ay isku diiday dhaawac culus u geystay ka dibna ka soo baxsaday laamaha amniga ee Puntland.
Eedaysane C/qaadir Warsame Axmed ayaa 27-ka bisha October, falkaas foosha xun u geystay Fa’izo Maxamed, oo hadda lagu dabiibayo isbtitaal ku yaal magaalada Muqdisho ee caasomada Soomaaliya.
Laamaha amniga ee Jubbaland ayaa waxaa ay cadeeyeen in ninkaan dambiilaha ah ay u gacan geli doonaa Puntland oo ah halka uu falka ka geystay si loo mariyo cadaalada.
Hoos ka Daawo Jubbaland oo soo bandhigay nin ku eedeeysan Fal kufsi ah oo ka dhacay Bosaaso
A/cawaale
Halgan.net