Muuse Biixi oo ku guuleystay doorashadii Somaliland (Dhageyso)
November 21, 2017 - Written by EditorGuddida Doorashada ee Somaliland ayaa goor dhaweyd si rasmi ah ugu dhawaaqay in Muuse Biixi Cabdi oo ka sharaxnaa Xisbiga Kulmiye uu ku guulaystay doorashadii dhacday 13-kii bishan.
Muuse Biixi ayaa sida uu sheegay guddiga doorashada waxa uu helay 55.19% codadkii la dhiibtay..
Muuse Biixi oo sanadihiisa lixdamaadka ku jira ayaa noqonaya madaxweynihii shanaad ee Somaliland, isagoo ka guuleystay laba murashax oo kale oo u ordayay xisbiyada Ucid iyo Wadani, Feisal Cali Waraabe iyo Cabdiraxmaan Maxamed Cabdullahi Cirro, oo isagu shalay sheegay in doorashada qaabkii ay u dhacday aanu ku qanacsaneyn.
Murashaxii Xisbiga Wadani Cabdiraxmaan Cirro waxa uu helay 40.73% Murashixii Xisbiga Ucid, feysan Cali warabana uu helay 4.17%.
Waa kuma Muuse Biixi: Madaxweynaha cusub ee Somaliland?
VOA Somalia
Halgan.net