R/Wasaare Ku-xigeenka JFS oo ka qayb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee Isbahaysiga la dagaalanka Argagixisada.[Masawiro]

November 26, 2017 - Written by Editor

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya Mudane Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar), ayaa magaalada Riyad ee dalka Sucuudiga uga qeyb galay shirka Wasiirrada Gaashaandhigga ee isbahaysiga la-dagaalanka argagixisada. Waxana kulankani ka qeyb galaya in ka badan Afartan waddan, iyadoona diiradda lagu saaray dhibaatada ay kooxaha argagaxisada ah ku hayaan dalalka Islaamka.

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Soomaaliya oo khudbad dheer ka jeediyey shirka ayaa ugu horeyn uga mahad celiyey Boqortooyada Sucuudiga ee marti gelisay shirka, wuxuuna ka waramay sida ay dawladda Soomaaliya uga go’an tahay ciribtirka kooxaha xagjirka ah.

Mudane Khadar ayaa ka warbixiyay dhibaatada Al-shabaab ku hayso shacabka Soomaaliyeed, isagoo soo qaatay qaraxyadii ugu dambeeyey ee ka dhacay Muqdisho oo ku naf-waayeen shacab aan waxba galabsan iyo sidoo kale qaraxii bishan ka dhacay dalka Masar.

no images were found

Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ayaa la kulmay dhaxal sugaha boqortooyada Sacuudiga Amiir Mohammed Bin Salmaan, waxaana ay ka wada hadleen adkeynta xiriirka labada dal iyo sidii la iskaga kaashan lahaa arrimaha amniga, dhaqaalaha, Waxbarashada iyo Caafimaadka.

Wafdiga Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka ayaa waxaa kamid ah La-taliyaha Madaxweyne ee arrimaha ciidamadda S/Guud Bashiir Maxamed Jaamac iyo saraakiil sare oo ka tirsan Xafiiska Ra’iisul Wasaaraha.

—DHAMMAAD—

Leave a comment

*

Archives
November 2017
M T W T F S S
 12345
6789101112
13141516171819
20212223242526
27282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online