13 Al-Shabaab ah oo lagu Diley deegaanka Xalfooleey ee gobalka Hiiraan
May 12, 2018 - Written by EditorWararka ka imaanaya gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in ugu yaraan 13 ka mid ah maleeshiyaadka Al-shabab lagu dilay dhowr qof oo kalena ay ku dhaawacmeen dagaal saakay aroortii dhexmarey maleeshiyaad deegaanka ah iyo Al-shabaab. Dagaalkan oo ka dhacay Xalfooleey oo u dhow Jalalaqsi ayaa bilowday ka dib markii maleeshiyo Al-shabab ka tirsan ay weerar ku qaadeen deegaankan oo dadka ku nool ee xoolaleyda ah ay ka diideen amarro ah inay bixiyaan xoolo ay ku sheegeen sako.
Deegaankana ayaa u jira degmada Buule Barde ilaa iyo 60 km, gudoomiyaha degamada Buula Barde, Cabdiraxmaan Daahir Guure ayaa VOA-da u sheegay in maleeshiyada dagaalka la galay al-shabab ay ka tirsanyihiin maleeshiyo beeleedyo xoolaley ah oo waayadanbe waday kacdoon ka dhan ah Al-shabab oo gobolka looga yaqaan Macawisleey.
Saraakiisha dowladda ee gobolka ayaa dhinaca kale sheegay in ciidamada dowladda ay la wareegeen deegaanno kale oo gobolka ah.
VOA Somalia
Halgan.net