Golaha Wasiirada Puntland oo ka hadlay Colaada Tuka Raq iyo Shirkii Baydhabo
May 19, 2018 - Written by EditorGaroowe:-Shir deg deg ah oo ay maanta yeesheen Golaha Xukuumadda Puntland oo uu shir gudoominayey Madaxweyne Cabdiwali Gaas ayaa looga hadlay dagaalka Puntland iyo Somaliland ee ka socda deegaanka Tuka raq iyo shirkii dowlad goboleedyada eelagu qabtay magaalada Baydhabo.
War-murtiyeedka ayaa waxaa loogu baaqay shacbaka Puntland in ay u diyaar garoobaan dagaal wakhti dheer qaadan doona kaas oo ay sheegeen in lagu difaaci doono dadka iyo deegaanada Puntland .
Dhanka kale Golaha Xukuumadda Puntland ayaa kulankooda waxay uga hadleen shirkii dowlad goboleedyada ee Baydhabo lagu qabtay waxaana warbixin ka siiyay Madaxweynaha dowlada Puntland Dr Cabdiweli Maxamed Cali Gaas isaga oo sheegay in shirkaas uu guul ku soo dhamaaday .
Shirka golaha Wasiirada ee Puntland ayaa ku soo aaday xili dagaalo culus ay ka soo cusboonaadeen deegaanka Tuka Raq ee gobalka Sool .
Hoos ka Akhriso Warmurtiyeedkii ka soo baxay golaha wasiirada ee Puntland
no images were found
M_M Deeq
Halgan.net