Hay’adaha u xilsaaran Dib-u-eegista Dastuurka oo Banbax-howleed u jooga Nairobi.[Masawiro]
May 27, 2018 - Written by EditorMuqdisho:-Wasaaradda Arrimaha Dastuurka ee XFS, Gudigga La-socodka Dib-u-eegista Dastuurka ee Baarlamaanka iyo Gudigga Madaxabanaan ee Dib-u-eegista iyo Hirgelinta Dastuurka ayaa Banbax-howleed socon doona maalmo uga bilowday magaalada Nairobi.
Saddexda hay’ad oo yeelanaya kulan wadajir ah ayaa ka arrinsan doona xoojinta wadashaqeynta iyo sidii loo dar-dargelin lahaa Ololaha Dib-u-eegista Dastuurka.
Xubnaha Wasaaradda uga qaybgalaya kulankaas ayaa waxaa kamid ah Agaasimaha Guud iyo qaar kamid ah La-taliyayaasha Wasaaradda, halka Xildhibaano kamid ah Gudigga Baarlamaanka iyo xubno kamid ah Gudigga Madaxabanaan ay iyagana kulanka ka qaybgalayaan.
Ugu dambayn, Banbax-howleedkan ayaa muujinaya wada-shaqeynta dhow ee ka dhaxeysa saddexda hay’adood waxeyna yididiilo weyn gelineysa dadka Soomaaliyeed ee indhaha ku haya Geedi-socodka Dib-u-eegista Dastuurka.
no images were found
A/cawale
Halgan.net