Jamaacada Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah oo Baaq ka soo saartay colaada Tuka Raq
May 25, 2018 - Written by Editor
Muqdisho:-Jamaacada Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah ayaa baaq nabadeed waxay u dirtay madaxada iyo shacabka Maamulada Puntland iyo Somaliland waxayna ugu baaqday in colaada deegaanada TukaRaq la joojiyo.
Jamaacada Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah waxay sido kale baaq u dirtay dhamaan haldoorka, waxgaradka iyo culimada ku dhaqan deegaannada Somaliland iyo Puntland in ay kaalintooda ka qaataan daminta colaadda iyo xal u helidda dhibaatada ka taagan deegaanka Tuka Raq..
Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray Nuqul ka mid ah Baaq Nabadeed oo ay Jamaacada Al-Ictisaam Bil Kitaabi Wassunnah ka soo saartay colaada Tuka-Raq.
[ngg_images source=”galleries” container_ids=”2683″ display_type=”photocrati-nextgen_basic_thumbnails” override_thumbnail_settings=”0″ thumbnail_width=”600″ thumbnail_height=”800″ thumbnail_crop=”1″ images_per_page=”200″ number_of_columns=”0″ ajax_pagination=”0″ show_all_in_lightbox=”0″ use_imagebrowser_effect=”0″ show_slideshow_link=”0″ order_by=”sortorder” order_direction=”ASC” returns=”included” maximum_entity_count=”500″]
Halgan.net
Garoowe

.gif)

