Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo oo Shir jaraa,id ku qabtay magaalada Garoowe(Dhageyso)

May 21, 2018 - Written by Editor

Garoowe:-Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule) ayaa goordhow shirjaraa,id ku qabtay magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland waxaana uu si rasmi ah ugu dhawaaqay in ay qeyb ka yihiin dagaalka ka socda Tuka Raq ayna garab taagan yihiin maamulka Puntland.

Cabdalle Maxamuud Cali (Cagalule) Madaxweyne ku xigeenkii Maamulka Khaatumo ayaa sheegay in maamulka S/land ay duulaan gardaro ah ku soo qaadeen deegaanka Tukaraq ee gobalka Sool.

Madaxweyne ku xigeenkii Khaatumo ayaa eedeyn u soo jeediyey Madaxweynihii Khaatumo Cali Khaliif wuxuuna ku eedeeyey in uu ku tuntay dhamaan Dastuurkii Maamulka Khaatamo ,waxaa kale oo uu eedeyn culus dusha uga tuuray xubno ka soo jeedea deegaanka SSC oo ka tirsan Maamulka S/land.

Hoos Ka Dhageyso Shirka Jaraa,id ee uu ku qabtay Garoowe Madaxweyne ku xigeenka Khaatumo Cabdalle Maxamuud Cali(Cagalule)

 

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a Reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

*

* Copy This Password *

* Type Or Paste Password Here *

272,545 Spam Comments Blocked so far by Spam Free Wordpress

*

You may use these HTML tags and attributes: <a href="" title=""> <abbr title=""> <acronym title=""> <b> <blockquote cite=""> <cite> <code> <del datetime=""> <em> <i> <q cite=""> <s> <strike> <strong>