Culumada Soomaaliyeed oo ku sugan Mecca oo Bayaan ka soo saaray Colaada Sland iyo Puntland.(Masawiro)
June 9, 2018 - Written by EditorMecca:-Culumada Soomaaliyeed oo ku sugan dhulka barakeysan ee Mecca ayaa bayaan iyo baaq u diray Maamulada S/land iyo Puntland baaqaas oo ku aadan colaada ka dhex aloosan labada Maamul gaar ahaan deegaanada Sool.
Culumada ayaa u yimid dhulka Barakeysan in ay gutaan Cumra waxaana ay kulan ku yeesheen magaalada Mecca culumada ayaa isaga yimid dhamaan dalka gudahiisa iyo dibadiisa .
no images were found
Halgan.net ayaa waxaa soo gaaray Nuqul ka mid ah Bayaanka iyo baaqa Culumada ay u direen Maamulada S/land iyo Puntland iyaga oo ka codsaday labada Maamul in ay alle ka baqaan oo ay joojiyeen colaada ayna daadin Dhiiga dadka Muslinka ah.
Hoos ka Daawo Culumada Soomaaliyeed oo ku sugan Mecca oo Bayaan ka soo saaray Colaada Sland iyo Puntland.
no images were found
.
M_M Deeq
Halgan.net