RW Khayre Oo Furay Shirka Kooxda Xariirka Soomaaliya Ee Ururka Iskaashiga Islaamka
October 27, 2018 - Written by Editor
Muqdisho:-Ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya, mudane Xasan Cali Khayre, ayaa daah-furay kulanka Muqdisho uga billaabmay kooxda xariirka Soomaaliya ee ururka Iskaashiga Islaamka.
Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Khayre ayaa sheegay in shirka maanta ee ururka Iskaashiga Islaamka uu astaan u yahay in Soomaaliya oo kamid ah dalalkii aasaasay ay kusoo laabatay fagaaraha iyada oo xal u raadinaysa dhibaatooyinka caalamka ka jira.
Dhammaan mas’uuliyiinta kulanka ka hadlay ayaa bogaadiyay horumarka ay Soomaaliya ku tillaabsatay ee horumuudka u noqotay in shirkaan lagu qabto Muqdisho.
[ngg_images source=”galleries” container_ids=”2818″ display_type=”photocrati-nextgen_basic_thumbnails” override_thumbnail_settings=”0″ thumbnail_width=”600″ thumbnail_height=”800″ thumbnail_crop=”1″ images_per_page=”200″ number_of_columns=”0″ ajax_pagination=”0″ show_all_in_lightbox=”0″ use_imagebrowser_effect=”0″ show_slideshow_link=”0″ order_by=”sortorder” order_direction=”ASC” returns=”included” maximum_entity_count=”500″]
Ururka Iskaashiga islaamka oo ah ururka labaad ee ugu wayn dunida oo ay ku midaysanyihii 57 dowladood ayaa lagu aasaasay dalka Marooko September 25, 1969.
—DHAMMAAD—-
Xafiiska Warbaahinta iyo Xiriirka
Muqdisho, Soomaaliya

.gif)

