Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka JFS oo booqday Duleedka Kismaayo.
October 20, 2018 - Written by EditorKismaayo:-Wararka naga soo gaaray magaalada Kismaayo ee xarunta maamulka J/land ayaa sheegaya in Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) iyo Saraakiisha ka tirsan Jubbaland ay saaka booqasho ku gaareen saldhigyo ku yaala duleedka Magaalada kismaayo halkaas oo ay ku sugan yihiin ciidamo ka tirsan J/land.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa waxaa ka mid ah deegaanada uu booqaday Baar-sanguuni, Buulla Gaduud iyo Deegaano kale.
Taliyaha Ciidanka Xoogga dalka General Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) ayaa khudbad kooban u jeediyey ciidamada uu booqaday waxaana uu ku dhiiriyey in ay isku diyaariyaan dagaal ka dhan ah kooxda Al Shabaab oo dhawaan ka bilaaban doona deegaamada Jubaland.
A/Cawale
Halgan.net