Wiilashii laga xiray beerta Aadan Cadde oo lasii daayey (Dhageyso)
October 10, 2018 - Written by EditorWaxaa galabta dib xorriydooda u heley wiilal dhalin yaro ah oo shantii bishii September laga soo xirey beerta madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan oo ku taalla degmada Jannaale ee gobolka Shabellaha Hoose.
Wiilasha la xirey oo seddex ahaa, laguna kala magacaabo Xuseen Cabdullaahi Xaaji, Cusmaan Cabdullaahi Xaaji iyo Axmed Cali Cismaan ayaa waxa ka xeystay ciidamo isugu jirey Soomaali iyo ajaanib, waxaana lagu hayey magaalada Muqdisho.
Dowladda Soomaaliya, ayaa hore raali gelin uga bixisey falka lagu galay guriga madaxweynihii hore ee Soomaaliya Aaden Cabdulle Cismaan.
Aabaha wiilasha la xirey Cabdilaahi Xaaji ayaa VOA uga warramay muddadi wiilashiisa la hayay iyo sii deyntooda.
VOA Somalia
Halgan.net