Madaxweynaha Gal-Mudug iyo Ra’iisul wasaare Kheyre oo xariga ka Jaray xarunta qaybta 21aad ee ciidanka XDS.

June 27, 2019 - Written by Editor

Cadaado:-Madaxweynaha D.G Galmudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf iyo Ra’iisuwasaaraha Xukuumada Federaalka ah ee Soomaaliya Xassan Cali Kheyre ayaa manta si wada jir ah Xariga uga jaray Xarunta Qeybta 21aad ee Ciidamada Xooga Dalka Soomaaliyeed.

Xaruntan oo ah mid isxilqaan ay ku dhiseen bulshada reer Cadaado ayaa manta si rasmi ah xariga looga jaray.

Madaxweynaha maamulka Gal-Mudug Axmed Ducaalle Gelle Xaaf ayaa gudiga isxilqaan ee Magaalada Cadaado boogaadiyay Howsha wanaagsan ee oo ay bulshada u hayaan isaga oona sheegay in ay dhameystiri doonaan inta dhiman.

Sidoo kale Madaxweynaha iyo Ra’iisuwasaaraha ayaa booqday Taliska Guud ee Ciidamada Nabad-sugida Galmudug oo uu dhisma xoogani ka socdo waxaana halkaasi ay salaan kaga gudoomeen cutubyo ka tirsan Ciidanka Nabad-sugida Galmudug Dhismaha Xarunta Nabad-sugida ayaa qeyb ka ahaa Barnaamijka isxilqaan oo ay Bulshada Reer Cadaado ku dhisayaan Xarumaha Danta Guud.

A/cawaale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2019
M T W T F S S
 12
3456789
10111213141516
17181920212223
24252627282930
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online